QM: Inka badan boqol qof ayaa lagu dilay Suuriya toban beri gudahdood

HomeWararka

QM: Inka badan boqol qof ayaa lagu dilay Suuriya toban beri gudahdood

Duqaymaha xagga cirka ee ciidamada dowladda Suuriya iyo dowladaha isbahaysiga la' ah ayaa inka badan boqol ruux ku dilay tobankii beri ee lasoo dhaafa

Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Garoowe gaaray (Sawiro)
Abukar Arman: Dhab-ka-Hadal Ammaandarrada Soomaaliya

Duqaymaha xagga cirka ee ciidamada dowladda Suuriya iyo dowladaha isbahaysiga la’ ah ayaa inka badan boqol ruux ku dilay tobankii beri ee lasoo dhaafay wadanka Suuriya, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday QM, waxaana ku barakaca sadexdii bilba afar boqol oo kun oo qof.

Boqol iyo sadex qof ayaa lagu dilay weeraro lagu qaaday goobo waxbarasho, isbitaalo, suuqyo iyo foornooyin, ku dhowaad lix iyo labaatan ka mid ah dadkaasi geeriyooday ayaa ah carruur, sida uu sheegayo madaxa xuquuqda aadanah ee QM Michelle Bachelet, isagoona intaasi ku daray khasaaraha dhimashada ee ugu badan inay salka ku hayaan kala qaybsanaanta jirta.

Dowladda Suuriya oo taageero ka helaysa Ruushka ayaa bilaabay howlgalo ka dhan ah goobaha mucaaradka Suuriya ee waqooyi galbeed ee dalkaasi,

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: