Madaxwayne Erdogan”Haddii Mareykanku diyaaradaha F-35 noo diido meelo kalle ayaanu aadaynaa”

Madaxwayne Erdogan”Haddii Mareykanku diyaaradaha F-35 noo diido meelo kalle ayaanu aadaynaa”

Madaxwayanaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay dowladda Turkiga inay u jeedsandoonto inay meelo kalle ka hesho diyaarado dagaal, haddii Mareykanka uu ka laabto heshiiska diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee Isbahaysiga NATO, isagoona intaasi ku daray in xukuumadda Ankara ay qorshaynayso adeegsiga hanaanka cusub ee gantaalada S-400 ee Ruushka April 2020.

Mareykanka ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in isbahaysigooda NATO ay ka saarayaan qorshaha Turkey uu uga qaybqaadanayo barnaamijka diyaaradaha F-35, kadib markii Ankara ay soo iibsastay, ayna heshay gantaalka Ruushka uu sameeyo ee S-400, taasi oo Washington ay u aragto mid khatar ku ah.

Mareykanka ayaa sidoo kalle ugu hanjabay Turkey cunoqabatayn, inkastoo xukuumadda Ankara ay ku gacan sayrtay digniinaha Mareykanka.

Isagoo ka hadlayay goob fagaare ah xiriirka Mareykanka iyo Turkiga markii u horaysay ayuu Erdogan sheegay go’aanka Washington ee ay ku jarayso diyaaradaha F-35 barnaamijka ay ugu qaybqaadanayaan inay noqon doonin mid ka bajisa inay baahiyaheeda dhanka militariga ay daboosho.

“Ma waxaad tihiin kuwa aan nasiinayn F-35? Hagaag, naga raali ahaada waxaan qaadanaynaa talaabooyin kalle oo aan meelo kalle ugu jeedsan doono” ayuu Erdogan uu ka sheegay isku soo bax xisbigiisa cadaaladda iyo Horumarinta ay ku yeesheen magaalada caasimadda ee Ankara.

Waxaa uu rajo ka muujiyay saraakiisha Mareykanka inay sababayn doonaan su’aalaha la xiriira cunaqabataynta, isagoona intaasi ku daray Turkiga inuu isaguna dib uga fiirsan doono inuu diyaaradaha Boeing inuu kasoo iibsado Mareykanka.

“Xitaa haddii aanan helin diyaaradaha F-35 , waxaanu soo iibsan doonaa boqol noocyada horumarsan ee diyaaradaha Boeing , heshiiskan oo aan saxiixnay, isla waqtigan mid ka mid ah diyaaradahan waa la keenay, waxaanu iska bixinaynaa qarashka, waxaanu nahay macmiil wanaagsan” ayuu sidoo kalle sheegay Erdogan.

“Even if we’re not getting F-35s, we are buying 100 advanced Boeing aircraft, the agreement is signed … At the moment, one of the Boeing planes has arrived and we are making the payments, we are good customers,” he said.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com