Jubbaland oo heegan galisay Ciidamadeeda

HomeWararka

Jubbaland oo heegan galisay Ciidamadeeda

Maamulka Jubaland, ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa geliyay ciidamadiisa, iyagoo sabab uga dhigay cabsi ay ka qabaan in weerar uu ka dhaco magaalada

Dr. Cali Nuur oo Dawlada Su’aalo ka waydiiyey arimaha doorashooyinka dalka, iyo Wasiirka warfaafinta Puntland
MARTISOOR: Xaalada siyaasadeed ee Puntland waa maxay dareenka ay qabaan dhalinyarda?
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Maamulka Jubaland, ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa geliyay ciidamadiisa, iyagoo sabab uga dhigay cabsi ay ka qabaan in weerar uu ka dhaco magaalada Kismaayo oo isu diyaarineysa doorasho Madaxweyne.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland Injineer Cabdi Xuseen ayaa sheegay in ay heegan buuxa galiyeen laamahooda amniga inta lagu gudo jiro doorashada Madaxweyne oo lagu wado inay ka dhacdo magaalada Kismaayo 24-ka bisha soo Agoosto.

Waxa uu qiray iney tuhunsan yihiin falal ka dhan ah Nabad gelyada oo ka dhici kara Caasimada KMG-ka ah ee maamulkan, isagoo tilmaamay in arintan timid kadib falanqeyn dheer oo Wasiirada Jubaland sameeyeen.

“Kulamo ay yeesheen wasiirada Jubbaland kadib waxaa la go’aamiyay in la xoojio ammaanka gaar ahaan caasimada kumeelgaarka ah.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: