IGAD oo War ka soo saaray Qarixii Xarunta Dowladda Hoose Xamar

Siddeedda Waddan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadkan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira Duqa Muqdishana ay ku dhaawacmeen.

War ay si wada jir ah usoo saareen Maanta oo Jimca ah Urur Goboleedka IGAD, laguna daabacay Jariiradda Strategic Intelligence, ayaa sidaa lagu sheegay.

Urur Goboleedka IGAD wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo isu soo dhowaashaha Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka ka jira, dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com