Shirkadaha British Airways iyo Lufthansa oo hakiyay duulimaadyadooda Qaahira

HomeWararka

Shirkadaha British Airways iyo Lufthansa oo hakiyay duulimaadyadooda Qaahira

Shirkadaha diyaaradaha ee British Airways iyo Lufthansa  ayaa hakiyay duulimaadyadoodii magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sababo amni oo aan l

RIYADII RUMOWDEY EE DEKADA GARACAD | WARDHEER ILLAA GALAADI EE GOBOLKA DOOLLO
Ra’iisul Wasaare Abiy oo sheegay inu si deg deg ah uga hortagi doono duulanka Tigray
Taarikh Nololeedki AUN Guddoomiyihii gobalka Mudug Axmed Muuse (dhegayso)

Shirkadaha diyaaradaha ee British Airways iyo Lufthansa  ayaa hakiyay duulimaadyadoodii magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sababo amni oo aan la shaacin.

“Waxaan si joogto ah aan dib u eegis ku samaynaa hanaanka ammaankeena dhammaan garroomada diyaaradaha ee adduunka, waxaana muddo todobo beri ah joojinay duulimaadyadeena magaalada Qaahira, si aan u samayno qiimayn baalaran” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay British Airways.

Mar la waydiiyay fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta duulimaadyada loo hakiyay iyo ammaanka ay dib u eegayaan, ayaa afhayeen u hadlay waxaa uu ku jawaabay “Kama hadli karno waxyaabaha ammaanka ku saabsan”

Dhanka kalle afhayeen u hadlay shirkadda Germany ee diyaaradaha Lufthansa oo ka howlgasha caasimadda Masar ee Qaahira ayaa waxaa uu sheegay “Badqabka waa muhiimadeena koowaad Lufthansa ahaan, duulimaadyadana si kulmeel gaar ah ayaan u hakinay Qaahira, iyadoona qiimayn dheeraad ah la samaynayo”

Shirkadda Germany ee diyaaradaha ayaa la sheegay Axadda inay qorshaynayso inay dib u bilowdo duulimaadkeedii Qaahira.

Masuuliyiinta Masar ayaa sheegay inay la socon walaaca amni ee soo wajahay shirkadaha duulimaadyada ee Germany iyo British Airways.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: