Wacaal Darey ah: Wasiir Cawad oo shir deg deg ah isgu yeeray Safiirada dalalka caalamka ee  ku sugan Muqdisho

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Wasiir Cawad oo shir deg deg ah isgu yeeray Safiirada dalalka caalamka ee ku sugan Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan ay Albabada u xiran yihiin waxa uu xerada Xalane kula qaatay Safiirada dal

Tartan & Tacliin caawa waxaa isku arkaya Afar Iskuul oo kuyaala Mudug, Nugaal, iyo Sanaag
Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay Maxaabis
Warka Arooryo iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan ay Albabada u xiran yihiin waxa uu xerada Xalane kula qaatay Safiirada dalalka Caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho.

Lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee shirkan diirada lagu saarayo, maadaama Saxaafada ay kulanka dibad jooga ka tahay, kuwaasoo sugaya shir uu u qaban doono Wasiir Cawad oo uu ku faahfaahinayo waxa kulanka uu salka ku hayay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Wasiirka Wakiilada beesha Caalamka ee dalkan uu kala hadlayo arrimo ay ka mid tahay iney xiriir toos ah aanay la sameysan maamulka Somaliland oo hore u sheegtay iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, wallow wali aaney helin dal aqoonsada.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii waxa ay xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Guinea ee dhacda Galbeedka qaarada Afrika, taasoo si hab maamuuskeeda sareeya ay u soo dhaweysay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: