Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad lagu wareejiyay dowlada federalka

HomeWararka

Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad lagu wareejiyay dowlada federalka

Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo maleeshiyo beeleed degmada Balanballe oo ka tirsan Maamul Goboleedka Galmu

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay qaraxyadii Baydhabo
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
Xiliga ay dhacayso doorshada degmooyinka Qardho, Ufayn, iyo Eyl oo la shaaciyay (daawo)

Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo maleeshiyo beeleed degmada Balanballe oo ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Munaasabada wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Iyo Taliyaasha Ciidamada Qaranka

Maleeshiyaadka ayaa ku biiraya ciidamada dowlada federalka iyadoo la diiwaangelin doono sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Maleeshiyaadka lagu wareejiayay dowlada Federalka ayaa gacanta ku haya hubkii ay lahayd dowladii hore ee Soomaaliya iyadoo magaalada Balanballe ay ka mid ahayd magaalooyin ka dhacay dagaaladii lala galay dowlada Itoobiya.

Maleeshiyo beeleedyo iyo hub kala gedisan ayaa beelo degen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ay ku wareejiyeen dowlada federalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: