Khayre oo la kulmay dhalinyaradda Caabudwaaq (Sawiro)

HomeWararka

Khayre oo la kulmay dhalinyaradda Caabudwaaq (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan xildhibaanno deegaan doorashadoodu ay tahay Caabuud

Saaka & Dunida iyo Cabdinaasir jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo Maanta Ka Baxay Deegaanka Leego
Axmed Madoobe oo soo saaray liiska musharixiinta uga harsaneyd Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan xildhibaanno deegaan doorashadoodu ay tahay Caabuudwaaq iyo wasiirro ayaa gudaha Caabuudwaaq ee gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay talooyin iyo tusaalooyin ka qayb qaadanaya horumarka iyo hagaajinta Mustaqbalka dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida mawaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahaynlagu sugin isbedelka dalku u baahanyahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: