Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Qorsheynta XFS iyo K/Galbeed oo kulmay

HomeWararka

Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Qorsheynta XFS iyo K/Galbeed oo kulmay

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka iyo xubna ka socda Midowga Yurub ayaa shalay la kul

War-murtiyed : Wasiirka Wasaaradda, Cadaaladda, Arrimaha Diinta Puntland oo Faah Faahin………
Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta NUSOJ Cumar Faaruq oo ka hadlay dhibaatada la kulman Saxaafiyiinta Somaliyeed (dhegayso)
Dhegaysiga dacwadda eedaysane Sayid Cali oo Maanta ka socota Maxkamadda G.Banaadir

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka iyo xubna ka socda Midowga Yurub ayaa shalay la kulmay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay kala hadleen Mashruuca IlED.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Koonfur galbeed Axmed Madoobe Nuunow ayaa soo dhaweeyay madaxa Xafiiska Ogalaasha Mashaariicda ee Wasaaradda Qorsheynta,waxuuna bogaadiayay hanaanka la qorsheeyay ee mashaariicda ILED oo ahmiyadd ballaaran u leh dalkeena.

Maxamed Daahir farah oo ka mid ah mas’uuliyiinta Madaxda xafiiska mashaariicda midowga yurub ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka siiyay wasiirka qorsheynta Koonfur galbeed iyo madaxda kale ee wasaaradaasi hannaanka la doonayo in mashruuca IlED looga fuliyo deeganada maamulkam iyo howlaha kale ay isla wadan Wasaaradda iyo Midowga yurub.

“Mashruucan ILED wax doonaynaa in aan hoos u daadajino fulintiisa , waxaan dooneynaa in dadka ay ka faa’iideystaan dadka soomaaliyeed mashruucan oo midowga yurub ay ugu deeqday Soomaaliya, wax uuna diirrada saaray sidii abaaraha iyo waxyaabaha nuglaashaha ah, iyo soo kabashada dadka “ayuu yari Maxamed Daahir.

Isku duwaha Mashruuca IlED ee Midowga Yurub Mr MartinoVinci wax uu tilmayay muhiimadda mushruuucan u leeyahay dalka Soomaaliya , gaar ahaan shacabka iyo maamulka KGS,wuxuuna hooska ka xariiqay in la dar dar galiyo qaabka loo fulinayo mashruucan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: