Xaaf oo xalay ku hoyday Cadaado kulamana ka wada

HomeWararka

Xaaf oo xalay ku hoyday Cadaado kulamana ka wada

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Godinlabe ayaa Sanad iyo bilooyin kadib xala

Garoowe: Xubinta Sicirka & Suuqa
#LAASCAANOOD: Iskudaygii u danbeeyey ee Somaliland ayaa fashilmay, Ciidamada #SSC ayaa cagta mariyey
Mushaarka ay qaatan Ciidamadda AMISOM oo la dhimayo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Godinlabe ayaa Sanad iyo bilooyin kadib xalay lagu soo dhaweeyay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne oo Xaaf oo fariisin u aheyd Magalada Dhuusamareeb ayaa isaga soo guuray kadib markii ay is khilaafeen Madaxda Ahlusunna eek u biiray Galmudug oo heshiis la galay dowladda Federaalka,waxaana Xaaf Cadaado kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ee matalada Galmudug iyo qaarka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug iyo odayaasha dhaqanka.

Xarunta Madaxtooyada ee Magalada Cadaado ayaa la dejiyay Madaxweyne Xaaf halkaas oo la sheegay in uu ku Shaqeyn doono,waxaana xilligii uu Madaxweyne xaaf kasoo baxayay deegaanka Godinlbae Cadaado u soo gelbiyay Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo ka mid ah ilaaladiisa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee lag soo doortay Magalada Cadaado iyo Madaxweyne Xaaf ayaa xalay kulan gaar ah waxa uu ku dhexmaray Madaxtooyada Magalada Cadaado, iyaga oo ka wada hadlayay waxyaabaha kusoo kordhay xaalada Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: