Mushaarka ay qaatan Ciidamadda AMISOM oo la dhimayo

Mushaarka ay qaatan Ciidamadda AMISOM oo la dhimayo

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in uu dhaqangalayo maanta qorshihii ay uga dhimayaan mushaarka ay qaataan ciidamada Kenya ee ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Sanad miisaaniyadeedka AMISOM ayaa ka billowda bartamaha sanadkasta waxaana Midowga Yurub horay u sheegay in uu go’aankan ku dhaqaaqayo.

Dowlada Kenya ayaa lacagta ay ku hesho magaca howlgalka AMISOM lagu sheegay in ay gaareyso Sh8.5Bilyan oo lacagta Kenya ah,taas oo hadda kaddib kala bar jarmeysa.
12ka Bilood ee soo socota ayey lacagtaas noqoneysaa kala barka lacagta Kenya la siiyay laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOS ayaa lagu sheegay warbixinta in ay bixiyaan farsadama iyo taageerada goobta ee AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya marka ay howlgallada ku jiraan.

Holwgalka AMISOM ayaa waxaa u qorsheysan in sanadka 2021ka isaga baxdo Soomaaliya ka horna dowladda Soomaaliya kala shaqeyso sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahayd Ciidamada AMISOM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com