Golaha Aqalka sare oo ansixiyay Wax ka badalka lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Golaha

HomeWararka

Golaha Aqalka sare oo ansixiyay Wax ka badalka lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Golaha

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah xarunta Golaha ku yeeshay Kal-fadhiga 5-aad Kulankiisa

Wasiirka dekadaha Puntland & Guddoomiyaha gobalka Bari oo kormeer ku tagay degaanka Tisjiic oo isdiwaangalintu ka socoto (Sawiro)
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Guddoomiyaha degmadda Cadaado oo Daljir uga waramay xaalad adag oo ka jirta degmadaas (dhegayso)

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah xarunta Golaha ku yeeshay Kal-fadhiga 5-aad Kulankiisa 9-aad.

KulanKA oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ajendihiisu wuxuu ahaa akhrinta 3-aad ee dib-u-eegista Xeer- hoosaadka Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer hoosaadka anshaxa iyo Xasaasanada Golaha Aqalka sare Senator Xasan Faarax Xujaale ayaa Senatarada u akhriyay qodobada wax ka bedelka lagu saleeyay ee dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha Aqalka sare,waxayna intaasi ka dib Golaha Aqalka sare codeyn u qaadeen Akhrinta 3-aad ee dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha.

Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ,Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Gacan taaga ah,kulanka oo ay goob-joog ahaayeen 30-Senator ayaa Waxaa ogolaaday 29-Senatar ,mana jirin xubin diiday ama ka aamustay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0