Maraykanka oo ka hadlay duqaymo ka dhacay gobalka Bari

HomeWararka

Maraykanka oo ka hadlay duqaymo ka dhacay gobalka Bari

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Daacish,kaasi oo ka dhacay gobolka bari,waxaana mareykan

Ma jiro kulan Madaxweyne Farmaajo ka qaybgalayo oo Addis Ababa ka dhacaya
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Kalluumeysiga Sharci darada ah

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Daacish,kaasi oo ka dhacay gobolka bari,waxaana mareykanka uu sheegay in uu Daacish gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanno ka mid gobolka Bari halkaasoo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Daacish.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka.

3 ka tirsan Daacish ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Daacish.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Daacish iyo Al Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: