Dab khasaare gaystay oo ka kacay suuqa meeraysane ee Garoowe (Sawirro)

HomeWararka

Dab khasaare gaystay oo ka kacay suuqa meeraysane ee Garoowe (Sawirro)

Meherad laga cunreeyo oo ku taalay bartamaha suuqa meeraysane ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka kacay maanta dab gaystay khasaare hantiyeed inkastoo

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Nabaddoon Yaasiin Muuse Maxamed oo ka hadlay tabasho xagga dawladda
MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND OO KULA DARDAARMAY ARDAY JAAMACADA ADMAS INAY WAXBARSHADA SII WADAAN

Meherad laga cunreeyo oo ku taalay bartamaha suuqa meeraysane ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka kacay maanta dab gaystay khasaare hantiyeed inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay.

Dabkan ayaa waxa uu ka kacay haanta Gaaska ee cuntada lagu karsado oo taalag gudaha meheradan.

Daminta dabkan ayaa waxaa kaalin laxaadleh ka qaatay dadweynaha Garoowe oo isticmaalayay sakeelada biyaha lagu shubto si ay dabka u baqtiyaan iyo booyadaha biyaha ee ka dhex shaqeeya magaalada.

Sida aad ka dheehan kartaan sawiradan hoose waxaanba goobtan iman oo aan kamuuqan gaadiidkii Dab-Damiska ahaa ee dhawaan lagu wareejiyay dowldda hoose ee degmada Garoowe.

Hadaba maxaa lagu qabtaa gaadiidkan ? yaa loogu talagalay in loogu adeego? maxay tahay sababta ay dowladda hoose uga maqnayd goobtan? su,aalahan iyo kuwo kale waraysi ku saabsan goor dhaw naga fisha.

Xasan Heykal, radio Daljir Bosaaso.
Sawiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: