Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo qaabilay wafdi ka socda Jabuuti

HomeWararka

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo qaabilay wafdi ka socda Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda waddanka Jabuuti, kuwaas oo

Puntland iyo DFS oo ka wada hadlay wanaa jinta xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe
Wasaaradda Cadaaladda DF Soomaaliya oo sheegtay in la waayay meel lagu xiro maxaabiista (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda waddanka Jabuuti, kuwaas oo dalka u yimi ka-qaybgalka munaasibaddii18-ka May.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayuu ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si mug leh uguga mahadnaqay weftiga xildhibaannada ah ee ka socda waddanka Jabuuti sida ay xilkasnimada iyo walaaltinimada leh ee ay shacabka reer Somaliland ugala qaybgaleen munaasibadda qaran ee 18-ka oo ah maalin ay guud ahaanba bulshada Somaliland si weyn ugu dabbaal-degto dib ula soo noqoshada qaranimadooda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimada, derisnimada, ganacsiga iyo dublamaasiyadda ku dhisan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Jabuuti, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay taabbo-gelinta xidhiidhkaas iyo ka midho-dhalintiisuba.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: