HomeUncategorized

Axmed Madoobe oo Waqtiga Magacaabista Golaha wasiirada loo kordhiyay

Oktoobar 31, 2015 (Daljir) — Fadhiga ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa waxa ay cod ugu qaadayeen in waqti kordhin loo sameeyo madaxweeynaha Jubaland kadib markii uu ka dhamaaday waqtigii laga doonayay in uu kusoo dhiso golahiisa wasiirada.

Garoowe: Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay qaar ka mida fuliyayaashii weerarkii shalay.
ICC oo maanta su?aalo la xiriira dilka dad rayid ah weydiinaysa madaxweyne ku xigeenka Kenya Rutto
Dhegeyso:Maamulka gobolka Nugaal oo ka hadlay qaraxii xalay Garoowe ka dhacay

Oktoobar 31, 2015 (Daljir) — Fadhiga ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa waxa ay cod ugu qaadayeen in waqti kordhin loo sameeyo madaxweeynaha Jubaland kadib markii uu ka dhamaaday waqtigii laga doonayay in uu kusoo dhiso golahiisa wasiirada.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo xaadiray 59 xildhibaan, waxaana la gudo galay ka doodista waqti u kordhinta loo sameeynayo madaxweeynaha.
Dood dheer kadib ayaa waxaa cod loo qaaday in mudo laba bilood oo dheeri ah loogu daro madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.

54 xildhibaan ayaa u codeeysay in laba bilood loogu daro madaxweeynaha, halka sedex xildhibaan ay ka aamuseen, iyadoo laba kalena ay diideen.

Gudoomiye kuxigeenka sedexaad ee baarlamanka Jubbaland Mudane Aadan Khaliif ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, isagoo sheegay in baarlamanku isku raacay in mudo laba bilood ah loogu daro Madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: