Axmed Madoobe oo Waqtiga Magacaabista Golaha wasiirada loo kordhiyay

Oktoobar 31, 2015 (Daljir) — Fadhiga ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa waxa ay cod ugu qaadayeen in waqti kordhin loo sameeyo madaxweeynaha Jubaland kadib markii uu ka dhamaaday waqtigii laga doonayay in uu kusoo dhiso golahiisa wasiirada.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo xaadiray 59 xildhibaan, waxaana la gudo galay ka doodista waqti u kordhinta loo sameeynayo madaxweeynaha.
Dood dheer kadib ayaa waxaa cod loo qaaday in mudo laba bilood oo dheeri ah loogu daro madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.

54 xildhibaan ayaa u codeeysay in laba bilood loogu daro madaxweeynaha, halka sedex xildhibaan ay ka aamuseen, iyadoo laba kalena ay diideen.

Gudoomiye kuxigeenka sedexaad ee baarlamanka Jubbaland Mudane Aadan Khaliif ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, isagoo sheegay in baarlamanku isku raacay in mudo laba bilood ah loogu daro Madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com