Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibadda DFS oo la kulmay Werner Schultink

HomeWararka

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibadda DFS oo la kulmay Werner Schultink

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee

Gabar sideed sano jir ah oo Garoowe lagu kufsaday (dhegayso)
DOOLOW: Maamulka Gobolka Gedo & kasoo horjeestay magacaabsita Wasiirada cusub ee Jubbaland (Akhriso)
Nin ku labisna dharka Dumarka oo kismaayo lagu qabtay (Sawiro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink.

Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.

Hay’adda UNICEF waxa ay ka mid tahay Hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya,waxaana ay dadka Soomaaliyeed ka caawisaa dhinacyada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah Bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: