Baarlamaanka oo maanta la horgeeyay Xisaab xirka miisaaniyada sanadkii 2017

HomeWararka

Baarlamaanka oo maanta la horgeeyay Xisaab xirka miisaaniyada sanadkii 2017

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laga hor akhriyay Miisaaniyadda Sanadkii 2017, iyadoo Xildhibaanada ay su’aalo weydi

Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Garoowe (dhegayso)
Boqor Burhaan: “Laascaanood waxaan u imid inaan xoojiyo dadaalada issimadda SSC-Khaatumo.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laga hor akhriyay Miisaaniyadda Sanadkii 2017, iyadoo Xildhibaanada ay su’aalo weydiiyeen Wasiiru dowlaha Maaliyadda.

Xildhibaanada oo dood kulul ka yeeshay xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii 2017 ayaa sheegay in uusan cadeeyn oo uu mugdi badan ku jiro.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in la dhaqan geliyo hannaanka ah in aan la fasaxin miisaaniyad iyo bajad cusub ilaa la hubiyo sida loogu dhaqmay miisaaniyaddii hore iyo xisaab-xirkeeda.

Miisaaniyadda Sanadkii 2017 ee u horeysay dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa gaareysay lacag dhan 267 milyan oo dollar, waxaa la sheegayaa in la isticmaalay lacago aanay ku jirin Miisaaniyadda oo shaki badan keenaya habka loo maamulaya.

Ugu dambeyn Golaha Shacabka ayaa sii wadi doona doodda la xiriirta xisaab-xirka miisaaniyadda sannadkii 2017 inta kalfadhigan lagu jiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: