Askari lagu dilay Magaaladda Muqdisho

HomeWararka

Askari lagu dilay Magaaladda Muqdisho

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii hore ku dishay degmada Kaaraan askari ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya, kaasoo ku sugnaa waaxda

Golaha Wasiirrada oo la horkeenay Daraasad wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajaajta
Xildhibaanadii Mooshinka ka Gudbiyay Gudoomiye Jawaari oo kubaaqay in uu Jawaari Iscasilo (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | MAXAMED LAKIMAN | BOSAASO 29- NOVEMBER- 2022

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii hore ku dishay degmada Kaaraan askari ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya, kaasoo ku sugnaa waaxda Jabuuti.

Dad goob joogayaal waxa ay sheegeen in askariga la toogtay in si weyn looga yaqaanay degmada uu ka mid ahaa ragga kaalinta ku lahaa xaqiijinta nabadgelyada, iyadoo sidoo kale dhaawac loo geystay askari kale oo ay wada socdeen marxuumka.

Kooxda weerarka geysatay oo lagu sheegay iney ahaayeen laba dhalinyaro ah oo Bistoolado wadatay ayaa toogashada kadib goobta ka baxsatay.

Asakriga la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Daahir, waxaa meydkiisa la geeyay xarunta baarista dambiyada.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in xiliga toogashada ay dhaceysay ay xarunta degmada Kaaraan Afur iyo Casho ku lahaayeen Wasiirka amniga Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: