Xildhibaanadii Mooshinka ka Gudbiyay Gudoomiye Jawaari oo kubaaqay in uu Jawaari Iscasilo (dhegayso)

Xildhibaanadii Mooshinka ka Gudbiyay Gudoomiye Jawaari oo kubaaqay in uu Jawaari Iscasilo (dhegayso)

Xildhibaanadii maanta ku shiray Magaalada Muqdisho una badnaa Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomalaiya Jawaari ayaa maanta soo saaray War saxaafadee ay ku sheegayaan in Mooshinkaasi uuyahay mid aan marnaba laga laaban doonin.

Xildhibaanadan ayaa waxaa kamid ahayd Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya , waxa ay sheegtay in Mooshinkan ay gudbiyeen 184 Xildhibaan , Gudoonkana uu sidaasi ku dhacay .

Waxa ay shegtay in tiradaasi Xildhibaanada ee Mooshinka keenay hadii ay intaasi ka yaraadaan waxaa sax ah in Jawaari uu Gudoomiye yahay hadii kale se waa in uu sugaa codaynta loo qaadi doono Jawaari Marka ay Goluhu shiraan.

Waxa ay sheegtay in mudo 15 cisho gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Cusub oo Golaha hogaamiya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com