Wacaal Darey ah: Kiiskii Caasho Ilyaas oo la soo gaba gabeeyay iyo eedeesanayaashii oo dil lagu xukumay

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Kiiskii Caasho Ilyaas oo la soo gaba gabeeyay iyo eedeesanayaashii oo dil lagu xukumay

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta ufariisatay dhagaysiga dacwada eedeesanayaashii loo haystay kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Qaramada Midoobay oo mar kale raadineysa dhaqaale lagula dagaalamo Covid 19
Madaxweyne Deni oo safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta ufariisatay dhagaysiga dacwada eedeesanayaashii loo haystay kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo gaystay Caasho Ilyaas.

eedeesanayaasha oo markii hore gaarayay ilaa iyo 10 qof ayaa waxaa laga soo reebay oo kaliya saddax qof oo xeer ilaalintu ay sheegtay in kiiskan lagu helay,halka todobo kamid ah xoriyadooda dib loogu soo celiyay.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaqay go’aanka Maxkamada ee ku aadan kiiska Caasho Ilyaas Aadan,waxaan uu sheegay in kiisakan uu racfaan ka furanyahay.

Saddaxdan nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Kiiskan ayaa mudo saddax bilood ah soo jeetamayay, waxayna qoyska Caasho ilyaas Aadan ay walaac xoogan ka qabeen sida ay dowladdu uga falcelinlahayd.

Dareenka shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu aad u soo jiitay falkii foosha xumaa ee isgujiray kufsiga iyo dilka ee loo gaystay marxuumad Caasho Ilyaas Aadan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: