Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale hor-yaala Ajandaha Sharciga Batroolka

HomeWararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale hor-yaala Ajandaha Sharciga Batroolka

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo uu hor-yaala Ajandaha Sharciga Batroolka

Farmaajo; ”Doorashooyinka dadban ma aha kuwo u wanaagsan Soomaaliya,”
Go’aankii issimada Puntland ee dekedda Bosaso oo dhaqan-galay (dhegayso)
LAASCAANOOD: Cabdirisaaq Khaliif oo ka warbixiyey guulihii ciidanka SSC-Khaatumo

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo uu hor-yaala Ajandaha Sharciga Batroolka oo dhowaan loo soo gudbiyay, kaasoo ay marinayaan akhrinta labaad.

Xogheynta Baarlamaanka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaanada in maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka, isla markaana uu ajandaha yahay Akhrinta labaad ee Sharciga Batroolka.

Isniintii la soo dhaafay ayaa waxaa baaqday kulankii Baarlamaanka, kaddib markii uu kooramka buuxsami waayo, waxaa taasi ay keentay in mar kale hakad ku yimaado ajandihii Sharciga Batroolka.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan illaa 143 Xildhibaan, kuwaasoo aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka, iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Sharciga Batroolka ee hor-yaala Baarlamaanka ayaa ka mid ah sharciyada si gaar ah isha loogu haayo, iyadoo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay dadaal ugu jirto sidii sharcigan loo meel marin lahaa, si tallaab loogu qaado suuq geynta qeybaha shidaalka laga helay ee Soomaaliya oo bishii February lagu soo bandhigay xaraash ka dhacay magaalada London.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: