Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

HomeWararka

Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey ma

Maamulka gobolka Banaadir iyo Bankiga Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta Caasimadda
Xog Ku Saabsan Duqayn Kadhacday Xeebaha Degmada Caluula (dhegayso)
Ciidamada Amniga oo sheegay in ay la wareegeen xarumo Shabaab Muqdisho ku lahaayeen

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi.

Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kalena Danjire ka soo noqday dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali.”

“Amb. Maxamed Warsame Cali waxa uu ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uu qayb wakhtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii Maamulka Galmudug. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: