Mahdi Guuleed “Somaliland wey diiday in Abiy Ahmed iyo Farmaajo inay ka degaan Hargeysa”

Mahdi Guuleed “Somaliland wey diiday in Abiy Ahmed iyo Farmaajo inay ka degaan Hargeysa”

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in Somaliland ay iska khasaarisay fursad dahabi ah, kaddib markii ay diiday booqasho ay wadajir ah oo ay Hargeysa ku imaan lahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Goobjoog TV waxaa uu kaga hadlay halka uu ku dambeeyay wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka Somaliland iyo Maamulka Somaliland oo muddo hakad ku jira.

“Wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wuxuu waajib ka saaran yahay aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Soomaaliland, wuxuuna joogitaankeennu macno ku fadhiyaa marka ay wadahadalladaas miro dhal noqdaan”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay xiriir toos ah lahaayeen.

“Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro, markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii” ayuu yrii Mahdi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com