Mareykanka oo u aarguday askari looga dilay Soomaaliya

HomeWararka

Mareykanka oo u aarguday askari looga dilay Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay inay u aargudeen askari Mareykan ah oo Al-shabaab ay sanadkii 2018kii ku dishay Soomaaliya gaar ahaana de

Ilhaan Cumar waa Xildhibaan US Congress!
DHAHAR| Xaflada Shaacinta go,aamadii kasoo baxay Shir uga socday beelaha Bahwadaag Dubbeys
Maxaa ka dhacay Maanta Xarunta Barlamaanka Muqdisho?

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay inay u aargudeen askari Mareykan ah oo Al-shabaab ay sanadkii 2018kii ku dishay Soomaaliya gaar ahaana deegaanka Baar sanguuni, kadib weeraro madaafiic ah oo ay ku qaaday askarigaasi.

Afhayeenka AFRICOM Kolonel Chris Karns ayaa sheegay inay duqayn diyaaradeed ay ku dileen ninka katirsanaa Al-shabaab ee dilay askarigooda, waxaana lagu magacaabi jiray  C/llaahi  Jibiyow , kaasi oo dilay askariga sadex aliflaha ahaa ee Alexander Conrad iyo dhaawac uu gaarsiiyay afar ka mid ah ciidamada Mareykanka.

Sarkaalkan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Military Times ayaa sheegay inay sii beegsanayaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab meel walba oo ay kaga suganyihiin Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: