Madaxwynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta Ganacsiga Abu Dubai iyo Ganacsato (Sawiro)

HomeWararka

Madaxwynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta Ganacsiga Abu Dubai iyo Ganacsato (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo muhiima la qaatay masuuliyiint

Waa maxay sababta ilaa iyo haatan aan loo soo magacaabin Gudigii doorashada Puntland? (dhegayso)
Aragtida shacabka Garoowe iyo magaacbida Raiisal wasaaraha cusub ee Soomaliya
Madaxwaynaha Hirshabelle oo dowladda faderaalka ka codsaday inay ku dhaqanto shirkii wadatashiga ee Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo muhiima la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatuur (Gabiley) La taliyaal sare oo ka tirsan Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulankan muhiim ka ah ayaa looga hadlay xoogjinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Imaaraadka, waxaana si qotodheer looga wadahadlay arrimo la xidhiidha ganacsiga xoolaha, isku xirka Puntland iyo Imaaraadka ee dhinaca duulimaadyada, kobcinta ganacsiga labada dhinac iyo dhiiri-gelinta maalgashiga .

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa kulamo la qaatay rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi, waxaana wafdiga Dowladda Puntland u soo bandhigeen ganacsatada dalkaasi fursadaha ganacsi ee Puntland ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga labada dhinac.

Kulamada muhiim ka ah ee lagaga arrinsanayey iskaashiga ganacsi iyo midka wadashaqayneed ee labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ganacsiga iyo xoojintiisa oo ay ugu muhiimsanayd ganacsiga xolaha iyo dhoofintooda, waxayna kulamadaasi kusoo dhammaadeen is afgarad iyo wadashaqayn labada dhinac ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona inta uu ku sugan yahay Imaaraadka madaxda iyo ganacsatada dalka kaasi, kuwaasi oo loogu gogol-xaadhayo kobcinta xidhiidhka qotada dheer ee labada dhinac, midka maalgashi, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah

.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: