Madaxwaynaha Hirshabelle oo dowladda faderaalka ka codsaday inay ku dhaqanto shirkii wadatashiga ee Muqdisho

HomeWararka

Madaxwaynaha Hirshabelle oo dowladda faderaalka ka codsaday inay ku dhaqanto shirkii wadatashiga ee Muqdisho

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa usoo jeediyay madaxda dowladda faderaalka ee Soomaaliya inay fuliyaan heshiiskii l

Dowladda Puntland oo soo saartay awaamiirta ammaanka doorashada Puntland (Daawo/Akhriso)
Madaxweyne Xaaf oo ku gacansayray baaqii Madaxweyne Farmaajo (Warsaxafadeed)
Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa usoo jeediyay madaxda dowladda faderaalka ee Soomaaliya inay fuliyaan heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho gaar ahaana shirkii wadatashiga ee madaxda qaranku ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay inaan la aqbali karin dalka oo nidaam faderaal qaatay hadana wax walba hal meel laga maamulo, isagoona sheegay sida loogu baahanyahay in wadatashi lagala yeesho arimaha hindise sharciyeedyada ee baarlamaanka la horgaynayo.

“Annaga waxaan dalbaneyno waa wadatasho oo kaliya oo fikradeenna lagu daro sharciyadan, waxaana saldhig u ah waxaa soo dhan in la hirgeliyo barnaamijka federaalka, runtii inaan federal qaadanno oo wuxuu qabo aan ku dhaqanno ama intaan iska deyno oo dhahno naga daaya ayaa la rabaa, laakiinse inaan dhahdo federal ayaan nahay hadana aan u dhaqanno in waxa oo dhan isku meel wax ku jiraan waa nasiib darro” ayuu yiri Waare.

Madaxwaynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa dhawaan soo saaray qoraal uu ku dalbanayo in la hakiyo hindise sharciyeedyada horyaala baarlamaanka Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: