Wasiirka maaliyadda oo dhagax dhigay Xarunta Canshuuraha gobalka Banaadir (Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka maaliyadda oo dhagax dhigay Xarunta Canshuuraha gobalka Banaadir (Sawiro)

Ka hor dhigax dhigista wasiirka ayaa xog waraystay injineerada dhisaya xarumahani. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda F

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya oo la wareegtay diyaarado Helicopter lagu buufiyo Ayaxa (Sawiro)
Badhan iyo Muranka Xubnaha Golaha Deegaanka lagu kordhiyay (Daawo)
Tartan & Tacliin: Yaa usoo baxay samafiinalka? ( daawo)

Ka hor dhigax dhigista wasiirka ayaa xog waraystay injineerada dhisaya xarumahani.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn dhagax dhismaha xarunta ciidanka ilaalada canshuuraha ee loo yaqaan turubataariyada waxaana uu sheegay inay saldhig u tahay hagaajinta hannaanka canshuur qaadista.

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan dhagax dhignay xaruntii canshuur ilaaliyeyaasha ama ama turabataariyo ciidanka ee canshuurta ka shaqeeyo,waxay sal u yihiin uruurinta canshuuraha iyadoo la raacayo sharciga dalka u dhigan,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi xasan Bariise oo uga Mahad celiyay dadaaalka Wasaaradda Maaliyadda dhismaha xaruntan ayaa ka hadlay muhiimadeeda.

“ Waa sharaf iyo karaamo, waana meeshan dhexe ilaalinta canshuuraha,waa halka ciidanka ilaalada canshuuraha, sidan marar badanba idin kugu sheegay wuxuu si toos ah ula shaqeeyaa Wasaaradda Maaliyadda,dakhliga uruurintiisa iyo xafidida goobtii la geeyo,ciidankii u tababarnaa oo aqoonta u lahaa waaye,” ayuu yiri Generaal Bariise.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidookale kale dhagax dhigay dhismaha machadka dhaqaalaha dalka iyo 5 xarumood kale oo loogu talagalay canshuuraha, waxaana uu tilmaamay dhismaha shirkadaha maxaliga ay u tartameen kuna guuleysteen shirkadaha ka shaqeyanaya oo la filayo inay dhismaha dhammeystiraan bisha Luulyo ee sanadkaan.

Dhismaha xarumahani oo loogu talagalay canshuur qaadista ayaa ku soo beegmaya xili Soomaaliya ay sameynayso kobac dhaqaale oo xooggan daqliga dowladda soo gala oo ay masuul ka tahay wasaaradda Maaliayadana uu kordhay sanadkii tagay 31%.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: