Madaxda jubbaland oo ka hadlay kabixitaanka Ciidanka kenya ee Jubbbooyinka

HomeWararka

Madaxda jubbaland oo ka hadlay kabixitaanka Ciidanka kenya ee Jubbbooyinka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa gobolka Gedo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, waxaana uu

Guddiga doorashooyinka Puntland oo bilaabay kulamo ku saabsan doorasho qof iyo Cod ah
Ku Dhawaad 15 Qof oo ku dhimatay Weerar lagu qaaday Masjid ku Yaalla Iran
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa gobolka Gedo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay howlaha Ammaanka ee gobolka Gedo.

Waxaa uu ka hadlay ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee degaanka Fafaxdhuun, isagoo sheegay in Jubbaland iyo dadka Shacabka ahba taasi ay dhibaato ku abuurtay.Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Jubbaland ay waddaan Abaabul ay ku doonaayaan in ay dib u qabsaddaan degaanada ay ka baxeen Ciidanka dowladda Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa si lama filaan ku noqotay mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee Soomaaliya uga baxay magaalada Faaxadhuun ee Gobolkaas Gedo, taasi oo markiiba ay la wareegeen Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: