Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ingiriiska

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ingiriiska

:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladd

Warka Fiidnimo iyo Ficil Burkud, Daljir Badhan(dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Afkaarta shacabka Garoowe ee hadalkii Hoggaamiye Firdhiye

:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: