Hogaamiyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo booqanaya Koofurta Sudan

Madaxda dalalka Ethiopia Abiy Axmed iyo Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqanaya dalka Koofurta Sudan iyagoo doonaya in ay sii xoojiyaan xiriirka dalalka ku yaal qaarada Afrika.

Madaxweynaha wadanka Koofur Sudan Salva Kiir iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa ku soo dhoweeyay madaxda labadan dal garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.

Madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa booqashadooda oo qaadanaysa hal maalin waxa ay la kulmi doonaan Madaxweyne Salva Kiir iyagoo ka wadahadli doona qorshaha lagu doonayo in lagu mideeyo dalalka ku yaal Bariga Afrika isla markaana yeeshaan xiriir dhow.

Safarkan ayaa imanaya maalin kadib markii ay madaxda dalalka Ethiopia,Eritrea iyo Kenya ay kulan ku yeesheen magaalada Casmara.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com