Howlgal amaanka lagu xaqiijinayo oo laga dareemayo Baladweyne

HomeWararka

Howlgal amaanka lagu xaqiijinayo oo laga dareemayo Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay howlgallo ka wadaan xaafado dhowr ah, iyadoo howlga

WAXAA MAANTA GAROWE TABABAR UGA FURMEY GUDIGA XALINTA KHILAAFAADKA DEGMADAASI
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo gudi u saaray shaqaaqadii ka dhacday Jigjiga (daawo)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Dhuusamareeb (dhegayso)

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay howlgallo ka wadaan xaafado dhowr ah, iyadoo howlgalkan ka dambeeyay markii falal dilal ah ay maalmihii la soo dhaafay dhaceen.

Sida wararku sheegayaan howlgaladan ayaa xooggiisa dhanka galbeed ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan Xaafada Howlwadaag, waxaana howlgalku yahay mid guri guri lagu baarayo.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo, waxaana ciidamada baaritaankooda wehliya kuwo gaadiidka iyo goobaha ganacsiga lagu sameynayo.

Howlgalkan ayaa illaa hada lagu soo qabtay dhalinyaro fara badan, inkastoo aanay weli laamaha amniga soo bandhigin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: