Eng. Yarisow “Argagixsadu waxay beegsadaan Nafta iyo maalka Shacabka

HomeWararka

Eng. Yarisow “Argagixsadu waxay beegsadaan Nafta iyo maalka Shacabka

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow), ayaa sheegay in argagaxisadu ay beegsanayso nafta

Xoghayaha Difaaca ee dowladda Mareykanka oo iscasilay, kana aragti duwanaaday Trump
Saaka & Dunida iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
WARKA FIIDNIMO | MAXAMED IBRAAHIM GEELLE | DALJIR GAROWE

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow), ayaa sheegay in argagaxisadu ay beegsanayso nafta iyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, halka uu maamulka Gobolka banaadirna u taagan yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan, Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo Bullaacadda No4 oo dhammaantood howlo shaqo oo dib loogu dhisayo uu M/mulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen kooxaha argagixisadu, Maamul banaadir uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii argagixisadu la beegsadeen.

“Argagixsadu waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda’.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Bullaacadda No4 oo dib loo howlgeliyey, maadaama loo diyaar garoobayo waqti roobaadka.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa xoogga saaray dib-u-dhismaha xarumaha muhiimka ah ee Caasimadda, iyadoo fursado shaqo ay ka heleen muwaadiniin Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: