Xoghayaha Difaaca ee dowladda Mareykanka oo iscasilay, kana aragti duwanaaday Trump

Xoghayaha Difaaca ee dowladda Mareykanka oo iscasilay, kana aragti duwanaaday Trump

Xoghayihii Difaaca Mareykanka Jim Mattis (Mad Dog Mattis) ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay oo shaqada ka tagayo bisha February ee sanadka 2019. Sababta uu shaqada uga tagayo ee uu isku casilay ayuu Md. Mattis ku sheegay asaga oo Madaxweyne Trump kaga aragti duwanaaday difaaca dalka, ciidamo kala bixista Suuriya, iyo waliba tan soo fooleh oo mar dhow Madaxweyne Trump uu amri doono in sidoo kale Afqanistaan ciidamada USA ka jooga nus la dhimo.

Xoghaye Jim Mattis ayaa sidoo kale sheegay in aysan ahayn wax la aqbali karo in dowladda Mareynkanku ay kala garan weydo saaxiibadeeda iyo cadowgeeda, ayna waddamada kaligitaliska ah sida Ruushka iyo Shiinaha la garab noqoto.

Xoghaye Mattis ayaa iscasilaaddiisa ku soo gunaanaday in Madaxweyne Trump uu xaq u leeyahay in uu helo Xoghaye Difaac oo ku aragti ah, maadaama anigu aanan aqbali karin aragtida Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump ayaa iscasilaadda Xoghaye Mattis ka been sheegay asaga oo bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Jim Mattis uu howlgab noqonayo sanadka cusub ee soo socda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com