HomeUncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya: ‘Ma jiri doonto wax Muddo Kordhin ah”

Isniin, Juun 29, 2015 (Daljir)_Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016, isla markaana la dardar-gelinayo hawlaha la xiriira fulinta barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Ururka Midnimo oo shirwaynihiisii uu ka furmay magaalada Garoowe.
SPORTS: Kulamo Adag oo Maanta la Ciyaarayo Horyaallada Yurub (DHAGAYSO)
Dhagayso Barnaamijka Subaxnimo ee Saakay iyo Dunida May – 03 – 2016 Wariye Maxamed Cabdulaahi Kooshin

Isniin, Juun 29, 2015 (Daljir)_Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016, isla markaana la dardar-gelinayo hawlaha la xiriira fulinta barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad uu afur xarunta madaxtooyada ugu sameeyay xubnaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDB oo uu madaxweynaha ka tirsan yahay.

 “Waxaa dowladda ay ku talaabsatey horumar dhinacyada la dagaalanka musuqmaasuqa, fidinta maamulka, maamul wanaagga iyo in dalka loo diyaariyo isbeddelo siyaasadeed oo ka dhaca 2016, kuwaas oo qeyb ka ah barnaamijka Hiigsiga 2016. Hawlo kale oo badan ayaa inoo harsan, maadaama uu dalku ka soo kabanayo colaado sokeeye, una baahan yahay dib u dhis’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in baarlamanka uu dhowaan guda geli doono ka doodista sharciga asxaabta siyaasadda dalka, isla markaana dhammaan xisbiyada haatan jira oo PDP ay ka mid tahay ay raaci doonaan nidaamka dastuuriga ee diiwaan gelinta asxaabta siyaasadda marka sharci ahaan loo meel mariyo.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0