Galmudug oo bilaabaysa qaadista Canshuuraha

HomeWararka

Galmudug oo bilaabaysa qaadista Canshuuraha

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan qaadista Canshuuraha maamulka Galmudug si loo dardargaliyo howlaha maamulka oo bilihii ugu d

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaadaya Bulshadda dhuusa-mareeb
Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Ibraahin, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Xildhibaanada la Baxay Horusocod oo Sheegay in aysan Mucaarad ahayn (dhegayso & sawirro)

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan qaadista Canshuuraha maamulka Galmudug si loo dardargaliyo howlaha maamulka oo bilihii ugu dambeeyay ku jiray gaabis.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Saciid Shire Shirwac ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Xaaf in uu Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ka waday maalmihii lasoo dhaafay Abaabul ku aadan in dadka ay bixiyaan Canshuuraha.

Wasiirka ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo laga bilaabi doono qaadista Canshuuraha , Maadaama maamulka uu dejiyay qorshaha qaadista Canshuuraha oo sare loogu qaadaayo adeegyadda muhiimka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale lagu waddaa in uu taggo Magaalooyinka kale oo ka mid ah Galmudug si uu uga dhaadhiciyo bixinta Canshuuraha si uu maamulku u helo dhaqaalle uu ugu adeego bulshadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: