HomeUncategorized

Kooxda Qardho City Oo Kaalinta Labaad Ka Soo Gashay Tartanka Kubada Kolayga Ee Bariga Iyo Bartamaha Afrika

Isniin, June 01, 2015 (Daljir) — Kooxda kubada kolayga Qardho ayaa kaalinta labaad ka soo gashay koobka kubada kolayga bariga iyo bartamaha qaarada Afrika ka dib markii ciyaartii kama danbeysta aheyd ay guuldarro ka soo gaartay kooxda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

DHEGEYSO-Afhayeenka nabadoonada Galmudug oo kahadlay dagaalka Galkacyo.
Todobo maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood oo cunatada ka soomtay.
Dhibaatooyinka nolol xumo ee ka dhashay abaarta Soomaaliya oo sii kordhaysa iyo gargaarkii mucaawimo oo la bilaabay.

Isniin, June 01, 2015 (Daljir) — Kooxda kubada kolayga Qardho ayaa kaalinta labaad ka soo gashay koobka kubada kolayga bariga iyo bartamaha qaarada Afrika ka dib markii ciyaartii kama danbeysta aheyd ay guuldarro ka soo gaartay kooxda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xiddigaha Qardho ayaa wacdarro ka dhigay koobkaan ka socday dalka Tanzania waxaana ciyaartii finalka ay guuldarro ciriiri ah ka soo gaartay Qaahira iyadoo looga badiyay 76dhibooc iyo 56 dhibcood.

Qardho iyo Muqdisho ayaa ahaa labada magaalo ee Soomaaliya u matalayay tartankaan bariga iyo bartamaha Afrika ee kubada kolayga iyadoo Soomaaliya ay kaalinta labaad soo gashay waxaana ku mahadsan magaalada Qardho oo ay ciyaarayeen qurbo joog Soomaaliyeed.

Tartankaan ayaa sannadkiiba mar waxaa lagu qabtaa magaalada Daaru Salaam ee dalka Tanzania

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: