Xildhibaanka dooran haddii uusan hore sharciga u ilaalin sidee buu berri u ilaalin doonaa? (akhriso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Xildhibaanka dooran haddii uusan hore sharciga u ilaalin sidee buu berri u ilaalin doonaa? (akhriso)

Dastuurka Puntland oo ay masuuliyiin xilal kala duwan qabanayaa ay ku dhaaran doonaan in ay ku dhaqmayaan ayaa qaba in aanay is sharrixi karin howlwad

“Diintii Islaamka waad tuurteen:” RW Itoobiya oo Amiirka Imaaraadka runta deeqsiiyey
BADHAN: Bulshada gobalka Sanaag sidee u arkaan in 8-sano lagu dhiso laami 30-KM ee waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo?
Cabdirisaaq Fartaag (Fartaag Research): Safaaradaha Reer Galbeedka baa ka masuul ah musuqmaasuqa Soomaaliya

Dastuurka Puntland oo ay masuuliyiin xilal kala duwan qabanayaa ay ku dhaaran doonaan in ay ku dhaqmayaan ayaa qaba in aanay is sharrixi karin howlwadeenada dowladda iyo ciidamaduba haddii aanay iscasilin.

Qodobka 45aad: 

2. Hawlwadeennada dawladda isma sharrixi karaan haddii aanay iska casilin xilalka ay
hayaan. Sharciga doorashada ayaa sheegaya wakhtiga kama dambaysta ah ee ay
tahay inay is casilaan, haddii ay doonayaan inay tartanka doorashooyinka ka
qaybgalaan.

Doorashada Guddoonka baarlamaanka ee Puntland ayaa waxaa hadda u sharaxan shan musharrax oo uu ku jiro Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah Agaasimaha Madaxtooyada ee Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka, dhowaana kamid noqday Golaha Wakiilada Puntland isaga oo aan iscasilin. Abwaanka weli iskama uu casilin jagadii Madaxtooyada.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa la qabanayaa berri oo Jimce ah, bishuna tahay 4 Janaayo 2019. Guddoonka Barlamaanka Puntland ayaa ah ilaaliyaha kowaad ee sharciga iyo dastuurka Puntland.

Taliyihii qaybta booliska ee gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sidoo kale asna ah xubin cusub oo Baarlamaanka Puntland. Taliye Cabdixakiim ayaan isna weli xilkaasi iska casilin xilkii Taliyenimo.

Radio Daljir oo dhowr jeer xiriir la sameeyey Taliyaha waa uu diiday in uu ka jawaabo su’aasha Daljir ee ahayd goorta uu xilkii Taliyenimo iska casilay.

Xildhibaanada cusub ee Puntland oo maanta u badan dhallinayo ayaa aad loogu rajoweynyahay in ay ku dhaqmi doonaan oo haddana ilaalin doonaan ku dhaqanka dastuurka Puntland iyo ilaalinta sharciga dalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: