HomeUncategorized

Al-shabaab oo sii daysay Shaqaale ka tirsan hay’adda MSF

Sabti, Abriil 24, 2015 (Daljir) — Hadal ka soo baxay Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn (MSF) ee dalka Spain ayaa lagu sheegay in la sii daayey Labo Shaqaale Samafal oo ay Alshabaab ka soo qafaasheen Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab bishii October ee sannadkii 2011-kii.rn

Xildhibaanada Kenya oo dalbaday in Madaxweyne Obama uu Khudbad ka jeediyo Baarlamaanka
?U dulqaadan mayno qof dambe oo hab-qabiil ugu dooda, xubin ka tirsan Al-shabaab oo laamaha ammaanku ay gacanta ku soo dhigeen? M/weyne Faroole.
Boohoodle: Dhakhaatiir ka digaya khatarta cudurada dillaaca xilliyada roobka.

Sabti, Abriil 24, 2015 (Daljir) — Hadal ka soo baxay Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn (MSF) ee dalka Spain ayaa lagu sheegay in la sii daayey Labo Shaqaale Samafal oo ay Alshabaab ka soo qafaasheen Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Labada La-hayste oo ah haween lagu kala magacaabo Montserrant Sewrra iyo Blanca Thiebaut ayaa la sheegay in la sii daayey maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, waxaana la sheegay inay nabad qabaan, caafimaadkoodana hagaagsan yahay.

Hay’adda MSF Spain ayaa u mahadcelisay dhamaan dadkii gacanta ka geystay sii-daynta haweenkaasi Shaqaalaha Samafalka ahaa.

Afduubkii Haweenkaasi oo ahaa kii saddexaad oo dad European ah lagu qafaasho dalka Kenya sannadkii 2011-kii, ayaa ah tallaabadii soo dedejisay in Ciiddanka Kenya loo soo diro Somalia.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: