?U dulqaadan mayno qof dambe oo hab-qabiil ugu dooda, xubin ka tirsan Al-shabaab oo laamaha ammaanku ay gacanta ku soo dhigeen? M/weyne Faroole.

Garowe, Oct, 31 – Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Shiikh Maxamuud ?Faroole? ayaa maantay khudbad dheer oo socotay 28-daqiiqo ka jeediyay furitaankii fadhigii 27-aad ee baarlamaanka Puntland.

Khudbada madaxweynaha oo uu ukala dhigay mid mid, ayuu uga hadlay arrimo badan ayaa waxay u badnayd mar-xalada nabad-galyo ee dalka iyo siyaasadda arrimaha dibbada ee dawladda Puntalnd.

Madaxwaynuhu waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii ay ka geeryoodeen masuuliyin ka tirsanaa dawladda Puntland oo u badnaa golaha baarlamaanka iyo sidoo kale dad muhiim u ahaa bulshada ku dhaqan gobollada Puntland oo siyaabo kale duwan u nafwaayay.

Madaxwaynuhu waxaa uu tilmaamay in magaalada Gaalkacyo ay tahay xuduntii iyo xaduudii dawladda Puntland, waxaana uu kooxda Al-shabaab ku eedeeyay dilalka ka dhaca had iyo goor Puntland, gaar ahaan xaaladda Gaalkacyo ayuu si gaar ah farta ugu fiiqay kooxda Al-shabaab.

Madaxwayne Faroole waxaa uu si kal iyo lab-leh u soo dhaweeyay hishiiskii 12-kii bishii APRIL, Garowe ay ku wada saxiixdeen dawladda Puntland iyo TFG-gu, waxaana uu tilmaamay iskaashiga iyo wadashaqayn dhex-marta dawladda dhexe iyo Puntland inay sababi karto taaba galinta hormarka dalku uu ku hirto.

Mudane Faroole waxaa uu ku faannay dawladda Puntland inay ku guulaysatay inay noqotay dawladdii ugu horaysay ee dalka u horseeda nidaamka awood-qayb-siga ee federaaliisimka. Madaxweynuhu isagoo ka hadlayay iskaasha dawladda dhexe iyo maamulada talada ku leh dalka, ayuu si gaar ah waxaa uu usoo dhaweeyay shirarkii muddooyinkii ugu dambeeyay looga arrinsanayay ammaanka qaranka dalka, waxaana uu tusaale u soo qaatay shirkii Garowe lagu qabtay bishaan Octobar ee 2011.

Madaxwaynuhu waxaa uu guul-wayn ku tilmaamay ladagaallanka kooxda Al-shabaab oo ay ka midaysan-yihiin dawladda Puntland, TFG-ga, Gal-mudug, Ahlusuna, iyo Beesha Caalamka.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan waxaa uu si adag wax aad looga xummaado ugu tilmaamay qaar ka mida bulshada ku dhaqan Puntland, iyo madax-ka tirsan dawladda Puntland oo iyagu had iyo goor damiinta, ama hab-qabiil ugu dooda xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ee laamaha ammaanku ay gacanta ku soo dhigaan. Madaxwaynuhu waxaa uu tilmaamay in shaqsiyaadka ka tirsan Al-shabaab aysan qabiil lahayn, isla markaana aysan dawladda Puntland u dulqaadan doonin cid ku doodaysa arrimaas oo kale.

Madaxwaynuhu waxaa kale oo khudbadiisa uu kusoo qaaday shirarkii dhawaan u kosoo qaatay dalka Britain ee looga hadlayay arrimaha burcad-badeedda Soomaaliyeed, waxaana mar uu ka hadlayay dhibaatada burcadda uu tilmaamay inay saamayn daran ku hayaan, sida, dhaqaalaha, sumcada, ammaanka, caafimaadka, dhaqanka, iyo arrimo kale oo badan oo si gaar ah madaxwaynuhu farta ugu fiiqay.

Madaxwaynuhu waxaa uu xusay in dawladdiisu dadaal aad u xooggan iyo wacyigalin ay u samaysay da?yarta burcad-badeedda ah, waxaana uu tusaale u soo qaatay barnaamijyo shaqo loogu abuurayo dadkii ka tanaasulay burcadda oo laga fuliyay deegaannada Puntland, waxaa mar uu ka hadlayay dhanka wacyigalinta burcadda uu madaxwaynuhu sheegay in xattaa haddii ay isaga dayn-karaan hawlaha burcad-badeednimo dawladdu ay diyaar u tahay in dhagaha looga adimo arrintaasna ay kala tashtaan culumaa?udiinka Puntland.

Madaxwaynuhu waxaa kale oo khudbadiisa maantay uga hadlay mar-kale aragtidiisa ku aadan soo galintaanka dalka Soomaaliya ciidanka Kenya, waxaana uu tilmaamay inaysan jirin wax xaduud ah oo Soomaaliya gacanta ugu jirtay mudadii bur-burka dalku uu ku jiray.

Md, C/raxmaan Faroole waxaa uu xukuumadda Kenya ugu garaabay inay sugtaan ammaankooda, kana qayb-qaataan hawl-galka lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.

Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo dilalka lala bartilmaameedsado had iyo goor dadka hal-doorka bulshada ah ayaa arrintaasi si qeexan waxaa uu ugu tilmaamay inay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab. Madaxweyne Faroole ayaa meesha ka saaray tuhumada had iyo goor la isla dhex-maro oo ku salaysan aar-goosiga qabaa?ilka, waxaana dhammaan dilalkii ka dhacay Puntland uu sheegay inay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa intii uu khad-badda jeedinayay waxaa ka dhex-muuqatay inuu si aad ah carrabkii usoo qabsanayay ka hadlida masuuliyada ammaanka ee Puntland, Dr Faroole ayaa isagoo taas ka duuliya waxaa uu si kulu u cannaantay warbaahinta qaybteed, mar uu ka hadlayay doorka warbaahinta dalka ee tabinta dhacdooyinka liddiga ku ah nabad-galyada Puntland, waxaa uu cuskaday inaysan xukuumaddiisu u dulqaadan doonin hay?ad wareed oo been ka sheegta nabad-galyada iyo masiirka Puntland.

Md. C/raxmaan Faroole ayaa isagoo sii wata hadalkiisii ku aadanaa eedeynta warbaahinta waxaa uu shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay ciqaab xaraq iyo dhibaato ku samayn-doonto ciddii loo arko inay ka shaqaynayso nabad-galyo darada dawladda Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa ku faanay in xukuumaddiisu ay taabagalinayso nidaamka doorashooyinka asxaabta badan, waxaana uu tilmaamay inay albaab cusub u furayaan siyaasiyiin badan oo ku taamayay hirgalinta tiirarka dimuqraaddiyadda Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa gabagabadii khudbadii waxaa uu uga hadlay dhibaatooyinka reegaadiyay xukuumadiisa, waxaana caqabadaha uu tusaale u soo qaatay bixinta canshuurta dalka, oo uu ku tilmaamay bulshada reer Puntland kuwo aan u bislayn inay canshuur bixiyaan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com