HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Addis Ababa kula kulmay Qaar kamid ah madaxda dalalka Afrika

Arbaco, Abriil 22, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madax sare oo ka tirsan wadamada Qaaradda Afrika oo dalkaasi uga qeyb-galay shir muhiim ah oo looga hadlayey arrimaha amaanka ee geeska Afrika.rn

Baahin: Isniin, May 30, Weriye Maxmed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Wasiirka warfaafinta ee Puntland oo tafaasiil ka bixiyey dagaal ka dhacay Tukaraq, ku eedeeyey Somaliland weeraro gardarro ah … Puntland oo ku eedaysay dawlada federaalku in ay lug ku leedahay dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Sool … Ururka suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSUJ oo doortay hoggaan cusub; Burhaan Axmed Daahir, guddoomiyaha cusub ayaan waraysanay … 2,500 oo barakacayaal ah oo laga raray boosaskii ay degaanaayeen ee magaalada Bossaso; Duqa magaalada Bossaso ayaan waraysanay … Gudd. gobolka Gedo oo ka xog warramay dagaalada ka socda gobolka, sheegay in ay dhawaan la wareegi doonaan gobolka …
Garyaqaan Awaare, guddoomiyihii maxkamada gobolka Bari oo la dilay.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Maanhadal iyo Jamaal Faarax Aadan.

Arbaco, Abriil 22, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madax sare oo ka tirsan wadamada Qaaradda Afrika oo dalkaasi uga qeyb-galay shir muhiim ah oo looga hadlayey arrimaha amaanka ee geeska Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta amaanka geeska afrika loona soo afjari lahaa kooxaha argagixisada sida Al-qaacida iyo urur diimeedka Al-shabaab.

Kulamadii kala duwanaa ee uu Madaxweyne Gaas la qaatay dhammaan madaxda uu la kulmay waxaa ay ku soo dhammaadeen guul, is afgarad iyo jawi dagan, waxaana si wadajir ah loogu wada balamay in meel looga soo wada jeesto cadowga geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan kooxaha xagjirka ah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: