HomeUncategorized

Suudaan oo la dooranayo Guddoomiye Barlamaan

Isniin, Abriil 13, 2015 (Daljir) — Dadka kunool wadanka Suudaan ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kusugan yihiin goobaha codbixinta si ay usoo doortaan madaxweynaha Suudaan hogaamin doona sanadaha soo aadan iyo xubnaha kuraasta barlamaanka, markii ugu horay taniyo intii Suudaan labada dal looqaybiyey.

Baahin: Khamiis June 13 2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buuhoodle
Shuban Biyood Dhowr Qof ku soo ritay deegaano ka tirsan gobolka Mudug
Dhagayso Barnaamijka Subaxnimo ee Saakay iyo Dunida Jimce April 15 2016 Khadar Cawl Ismaaciil

Isniin, Abriil 13, 2015 (Daljir) — Dadka kunool wadanka Suudaan ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kusugan yihiin goobaha codbixinta si ay usoo doortaan madaxweynaha Suudaan hogaamin doona sanadaha soo aadan iyo xubnaha kuraasta barlamaanka, markii ugu horay taniyo intii Suudaan labada dal looqaybiyey.

Cumar Xasan Albashiir madaxweynaha talada haya xilligaan oo dalkaasi soo maamulayey mudo rubuc qarni ah ayaa kamid ah musharixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimada, kadib markii xisbigiisu usoo doornteen inuu doorashada uga qaybgalo.

Saadaal la sameeyey ayaa sheegaysa inay macquultahay in dadka reer Suudaan ay markale soo doortaan madaxweyne General Cumar Xasan Al-bashiir oo inqilaab military awooda kula wareegey sanadii 1989, inkastoo dalalka reer Galbeedka ee diidan horumarka Al-bashiir iyo Suudaan faragelintooda ka madax banaan ay walaac ka muujiyeen doorashada Suudaan.

Doorashadaan oo socon doonta mudo saddex maalmood ah ayaa waxa ay ka dhici doonta guud ahaan gobolada dalkaasi, waxaana codadkooda dhiiban doona oo ilaa hada lasheegay inay diiwaan gashanyihiin 37 Million oo kamid ah shacabweynaha Suudaan.

By: Jaamac Abdurahman

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: