Musharrax Siciid Deni oo Booqasho Sharafeed ugu tagay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin (Sawiro)

HomeWararkaOlolaha Doorashooyinka Puntland - Deni 2019

Musharrax Siciid Deni oo Booqasho Sharafeed ugu tagay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin (Sawiro)

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ahna Musharraxa ugu Saameynta badan

Farriin Siyaasadeed: Farriinta Ammaanka ee Musharrax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni
Barnaamij gaar ah Falanqaynta Buuga Aragtidda Musharrax Deni (dhegayso)
Musharrax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah Isimada Puntland. (Sawiro)

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ahna Musharraxa ugu Saameynta badan ayaa Howgiisa Magaalada Boosaaso waxa uu Booqasho Sharafeed ugu tagay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah Isimada Puntland.

Musharrax Deni ayaa ugu horeyn Ugaaska ugu Mahadceliyey dadaalka iyo waqtiga badan uu ku bixiyey Xalinta iyo soo afjarida colaaddo ka jiray qeybo ka mid ah Gobolada Puntland.

Musharraxa iyo Ugaaska ayaa si qoto dheer ah uga wada hadlay Arimaha Doorashada iyo Guud ahaan Xaaladda Puntland waxa ayna isla garteen in si hufan loo wajaho Doorashada 8-da Janaayo ee 2019-ka.

“Sharaf bay ii tahay in aan maanta la kulmo Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo runtii kamid ah Asaasayaasha Puntland iyo tiirarka ay ku taagan tahay, Isimaddu waxay mar kasta yihiin kuwa ka damqanaya xaaladda Puntland, waxaana uga mahadcelinayaa doorkooda wanaagsan ee ay mar kasta bulshada ku hoggaaminayaan” ayuu yiri Musharrax Siciid Deni.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: