Ganacsade iyo wiil uu dhalay oo saakay lagu weeraray Bosaso

HomeWararka

Ganacsade iyo wiil uu dhalay oo saakay lagu weeraray Bosaso

Kooxo hubaysan ayaa saakay weeraray laba qof oo ahaa wiil iyo aabihiis, waxaana wararku ay sheegayaan in aabaha oo ka mid ahaa ganacsatada Bosaso marx

Warka Arooryo iyo Maxamed Xasan Dhalo Daljir Garoowe (dhegayso)
Boosaaso: iskutashi bulsho oo lagu soo iibsanayo qalabka Ogsajiinta
Saaka & Dunida iyo Jaamac Cabdiraxmaan Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)

Kooxo hubaysan ayaa saakay weeraray laba qof oo ahaa wiil iyo aabihiis, waxaana wararku ay sheegayaan in aabaha oo ka mid ahaa ganacsatada Bosaso marxuum Cabdiqadir Maxamed Saleebaan inuu dhaawacyahay, wiilkiisa uu geeriyooday.

Lama oga waxa ay ahaayeen kooxaha dilalka gaystay, balse Bosaso dilalka ugu badan horay uga dhici jiray waxay isugu jireen kuwa ay sheegtaan Al-shabaab , Daacish iyo dilal sal ku haya aanooyin qabiil.

Inkastoo aaanay jirin cid sheegatay haddana taliska booliska gobolka Bari, masuuliyiinta maamulka gobolka iyo hay’ada kalle ee amniga Puntland ayaan ka hadlin.

Maalin kahor ayaa lagu dilay magaalada Bosaso askari katirsanaa ciidamada badda Puntland ee PMPF iyo qof shacab ah xilli ay marayeen waddo ka mid ah magaalada Bosaso oo u dhow suuqa ganacsiga.

Dowladda Puntland ayaan dhacdooyinkan ka hadlin, sidoo kalle dilalkan ayaa dhacaya xilli qaar ka mid ah hay’adihii ammaanka Puntland ay ku mashquulsanyihiin ololaha doorasho ee Puntland, qaarkoodna ay musharaxiin xildhibaan ilaa heer madaxwayne yihiin.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: