HomeUncategorized

Maamulka Soomaaliland oo shaaciyey inuu furmayo wejigii shanaad wada-hadalka iyaga iyo Soomaaliya

Hargaysa, January 4, 2014 - Wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa beenisay inay bur bureen wada-hadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland, xili afar jeer oo hore ay kulmeen labbada dhinac.

Warbixin – khasaare ka dhashay doon siday shidaal iyo xamuul kale oo dab ku qabsaday dekedda Bossaso.
” Wax maamula oo ka jira Balad-weyne ma jiro” Gudoomiyaha Balad-weyne Sh Ismaacil Barre Maxamuud.
Kulan looga Hadlayay Ilaalinta Deegaanka oo lagu Qabtay Gaalkacyo

Hargaysa, January 4, 2014 – Wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa beenisay inay bur bureen wada-hadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland, xili afar jeer oo hore ay kulmeen labbada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Maxamed Biixi Yoonis ayaa si buuxda u sheegay in wada-hadalladii socdaan isla? markaasna ay shaqaynayaan heshiisyadii la gaaray.

Maxamed Biixi ayaa saxaafada Soomaaliland u sheegay in toddobaadka bartankiisa ay u duuli doonaan dalka Turkiga, halkaas oo uu ka furmi doono wejigii shanaad ee shirarka u dhexeeya maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa gar wadeen ka ah dib u heshiisiin la dhex dhigo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland oo door bidaya gooni isutaag, waxaase soo baxayey warar sheegaya in labbada dhinac ay ku kala aragti fog yihiin heshiiska iyo wada-hadalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: