Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo La Kulmay Qaar Kamid ah Odayaasha Gaalkacayo (Sawiro)

HomeWararkaOlolaha Doorashooyinka Puntland - Deni 2019

Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo La Kulmay Qaar Kamid ah Odayaasha Gaalkacayo (Sawiro)

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax Madaxweyne Puntland ayaa Waxa uu kulan gaar ah kula qaatay Hotel Sugulle odayaasha iyo hal-doorka degmada

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qado sharaf u sameyeey Issimadda Puntland (Sawiro)
Kulan lagu taagerayo Madaxweyne Deni oo Burtinle ka dhacday (Daawo)
Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa oo la Kulmay Madaxweynihi Hore Cabdilwei Gaas (Sawiro)

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax Madaxweyne Puntland ayaa Waxa uu kulan gaar ah kula qaatay Hotel Sugulle odayaasha iyo hal-doorka degmada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Kulankan oo ahaa mid ay si gaar ah u codsadeen odayaasha kulanka ka qayb galay ayaa waxay kaga wada hadleen dowrka muuqda ee ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin isbeddelka ay Puntland u baahan tahay maadaama xiligan la wajahayo waqtiga kala guurka iyo doorashada madaxtinimo ee Puntland.

Musharraxa ayaa dhankiisa uga mahad naqay odayaasha sida wanaagsan ee ay kulankan usoo abaabuleen wuxuuna ku amaanay sida ay markasta isugu xilqaamaan horumarka Puntland, isagoo ku adkeeyey in waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Puntland ay il gaar ah ku hayaan isbeddelada siyaasadeed bacdamaa xiligan la wajahayo doorashada hogaanka sare ee Puntland.

Odayaasha ayaa musharaxa u duceeyey iyagoo u ballan qaaday inay kala shaqayn doonaan qorshaha siyaasadeed ee uu damacsan yahay inuu Puntland horumarkeeda kaga shaqeeyo iyagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in Puntland ay gaarto meesha ay mudan tahay.

????????????????????????????????????

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: