HomeUncategorized

Prof. Jawaari oo ka qayb-galay xuska maalinta xorriyada Kenya oo maanta loo dabaal-degayo

Nairobi, December 12, 2013 - Dadka reer Kenya iyo dowladooda ayaa maanta u dabaal-degaya 50 sano guuradii ka soo wareegtay xilligii ay Kenya heshay xoriyada 1963, waxaa dabaal-dega ka qayb-galaya madaxda.

Kenya oo dalalka awoodda ku leh QM ka dalbanaysa in la hakiyo qorshaha ICC ee madaxda dalkaas
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Sabti_14
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo ku baaqay in dib u dejin loo sameeyo dad rayad ah oo ka barakacay agagaarka madaarka Adam Cadde, Muqdisho.

Nairobi, December 12, 2013 – Dadka reer Kenya iyo dowladooda ayaa maanta u dabaal-degaya 50 sano guuradii ka soo wareegtay xilligii ay Kenya heshay xoriyada 1963, waxaa dabaal-dega ka qayb-galaya madaxda ilaa 15 wadan oo caalamka ah.

Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed sheikh Cismaan Jawaari iyo wefdi la socda oo metelaya dowladda Soomaaliya ayaa ka qayb-galaya munaasabada maanta ka dhacaysa Nairobi.

Prof. Jawaari oo xalay gaaray Nairobi wuxuu saxaafada u sheegay in madaxweyne Xasan sheikh uu ka baaqday ka qayb-galka munaasabada howlo shaqo oo u yaala dartood, isugna uu meterlaya madaxweynaha.

Kenya waxay xoriyada ka qaadatay Ingiriiska 50 sano ka hor maanta, waxaa inta badan dalkaas si wayn looga xusaa maanta oo kale maalinta xorriyada iyadoo inta badan ay fasax yihiin dadka Kenyaanka ah ee shaqeeya.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: