CIA-da Maraykanka oo duubtay codka Amiir Maxamed oo bixinaya amarka dilka Khashoggi (dhegayso/daawo)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

CIA-da Maraykanka oo duubtay codka Amiir Maxamed oo bixinaya amarka dilka Khashoggi (dhegayso/daawo)

Waxaa isa soo taraya warar saacadihii ugu danbeeyey la shaaciyey caddayna u ah shaacintii hore ee CIA-da oo ahayd in Amiir Maxamed bin Salmaan, dhaxal

SOOYAALKA DEEGAANKA SOOMAALIDA & DIBINDAABYADA GUMEYSTAHA ITOOBIYA
Bulshada Gobalka Sanaag oo FARRIIN u diray Madaxda Puntland (dhegayso | daawo)
Musharrax Daahir Mire Jibriil: “[Puntland] haddii sida hadda … looga tago waxaan qabaa welwel weyn in ay faraha ka baxeyso wixii aan aasaasnay” (dhegayso | daawo)

Waxaa isa soo taraya warar saacadihii ugu danbeeyey la shaaciyey caddayna u ah shaacintii hore ee CIA-da oo ahayd in Amiir Maxamed bin Salmaan, dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudiga, uu ka danbeeyey dilkii arxandarrada ahaa ee loo gaystay Jamaal Khashoggi.

Warka oo laga soo xigtay jaraa’idka Turkiga ee Hurriyet Daily News waxa ay sheegayaan in sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ay duubtay, lana dhegaystay Amiir Maxamed oo leh “aamusiya Jamaal Khashoggi sida ugu dhakhsaha badan.”

Suxuufiga Cabdulqaadir Selvi ee isla jaraa’idka Hurriyet horey ugu shaaciyey in la duubay codadkii dilkii Jamaal Khashoggi ee qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul dhexdeeda ayaa hadda waxa uu mar kale shaacinayaa xogtan cusub ee ah in CIA-da Maraykanku ay dhegaysanayeen markii Amiirku uu bixinayey amarka dilka wariye Khashoggi. “Markii Amiirku uu bixinayey amarka dilka Jamaal Khashoggi CIA-du waa dhegaysaneysay taleefoonka ay ku wada hadlayeen Amiirka iyo wiilka walaakiis ah ee Khaled bin Salman, isla markaasna ah safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Maraykanka,” ayuu qoray suxuufi Selvi.

Suxuufi Selvi waxa uu intaas ku daray in markii Agaasimaha CIA-da gabadha Gina Haspel ay bishii hore safar degdeg ah ku timid Istanbul in ay muujisay in amarka Amiirka oo duuban ay hayaan.

Dowladda Sucuudiga ayaa hore u beenisay in la dilay Jamaal Khashoggi, dib-u-gurasho dhowr jeer ahna hadda weli ku adkaysanaya in Khashoggi ay dileen rag kaligood iskood ugu tashaday oo aan amar dowlo ku socon.

Madaxweyne Trump ayaa habeen hore muujiyey in cidda dishay Khashoggi haddii la ogaado iyo haddii kaleba uu mudnaanta koowaad siinayo xiriirka Sucuudiga iyo Mareykanka, qiimaha shidaalkuna uu yahay mid mudnaan gooni ah leh.

Hadalka Madaxweyne Trump ayaa loo tarjuntay in xiriirka dhaqaale ee Maraykanku la leeyahay Sucuudiga uu mudnaanta koowaad ka leeyahay cidda dishay iyo cidda bixisay amarka dilka Khashoggi.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee dilka wariye Jamaal Khashoggi.

Hoos ka dhegayso

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: