Guryo lagu gubay dagaalkii deegaanka Dhumay ee gobolka Sool (sawiro)

HomeWararka

Guryo lagu gubay dagaalkii deegaanka Dhumay ee gobolka Sool (sawiro)

Dagaalkii kadhacay deegaanka Dhumay ee dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah ayaa noqday dagaalkii sokeeye ee ugu ba'naa ee taariikhdan dhow soo ma

MARTISOOR: iyo Eng Cabdulaahi Maxamed oo ah Mulkiilaha Shirkadd Soo saarta Cuntada (dhegayso)
Maxaad kala socotaa hormarka ka socda magaalada Gaalkacyo (sawiro)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)

Dagaalkii kadhacay deegaanka Dhumay ee dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah ayaa noqday dagaalkii sokeeye ee ugu ba’naa ee taariikhdan dhow soo mara dalka Soomaaliya.

Waxaa lagu gubay guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo kasoo kala jeeday qoysaskii wada dhashay ee dagaalamay, waana xaajo ugub ah in gumaad heerkaasi gaarsiisan la isugu gaystay dagaal aan waxba laga dheefayn aan ka ahayn kii dhintaa waa kugu dhimayay oo kaa dhimay.

Sawiradii u horeeyey ee lasoo qaaday waxaa uu muujinayaa inuu dhacay gummaad ba’an, qoysaska ku barakacay ayaa gaaraya inka badan sadex kun oo maanta aan haysan nolol qabowguna u adkaysan la’a , carruur ayayna wataan aad u yaryar, waxa is dilayana ay yihiin adeer iyo wiil abtigiis aan marna si u kala maarmi karin, waana dagaal ka baxsan banii’aadantinimada, Soomaalinimo iyo anshax islaanimo midkoodna.

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: